HomeWarkiiMaamulka Puntland oo shaaciyay ineysan aqoonsaneyn Maamul SSC Khaatumo la dhaho.

Maamulka Puntland oo shaaciyay ineysan aqoonsaneyn Maamul SSC Khaatumo la dhaho.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in Maamulku soo dhaweynayao go’aankii Isimada Beesha Dhulbahante ee February 6, 2023kii ka soo baxay Magaalada Laascaanood.

“Go’!aankaas wuxuu qeexayay in la qabto shir-weyne beeshu uga tashaneyao aayaheeda balse lama gaarin shirweynahaasi,waxaan ku amaane6naa beesha inay qayb libaax ka qaadatay halgankii dib loogu qabtay Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool 25kii August 2023″ayaa lagu yiri warka puntland ka soo baxay.

Maamulka Puntland waxay warkooda ku xuseen inaan walk la qaban shirkii loo balansanaa sidaa daraadeed aysan aqoonaaneyn maamul Khaatumo la dhaho.

Ugu danbeyn Maamulak Puntland wuxuu warsaxafadeedkiisa ku cadeeyay qodobadaan:-

1. In si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 7-aad, farqaddiisa 1-aad iyo 2-aad iyo qodobkiisa 138-aad, farqaddiisa 1aad iyo 2-aad, Gobolada Sool iyo Cayn (Dhulbahante) iyo guud ahaan Beelaha dega ay si buuxda wax uga dhisteen Maamulka Dawladda Puntland ee la dhisay Sanadkii 1998dii.

2. In deegaan ama beel ka tirsan Dowladda Puntland ay yeelato maamul u gaar ah, waxaa ka horreysa in sifo sharci ah loo maro, ayna wadatashi buuxa ka yeeshaan beelihii wada dhistay hannaanka Dawladda Puntland 1998dii.

Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyada oo tixgalinaysa rabitaanka Beesha Dhulbahante ee ah in ay noqdaan Maamul gooni ah, waxay go’aamisay qodobada soo socda:

1. Inta laga helayo sifo sharci ah oo ku timaadda wadatashi guud ahaan Reer Puntland, Gobolada Sool iyo Cayn iyo Beelaha dega waxay si waafaqsan Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Puntland, ka tirsan yihiin hannaanka Dawladda Puntland.

2. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland waxay cambaareynaysaa faragalinta qaawan ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso amniga iyo xasiloonida Dowladda Puntland, iyada oo rabta in ay burburiso amniga iyo dowladnimada ka jirta Puntland, fashilisana dagaalka ay Dowladda Puntland iyo Saaxibada Caalamku kula jiraan Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish iyo AS.

3. Dowladda Puntland waxay ku adkeynaysaa Dadka Reer Puntland in ay xoojiyaan midnimadooda, illaaliyaana amniga iyo dowladnimada Puntland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -