GAROWE (DAYNIILE.COM)-Maamul Goboleedka Puntland ayaa guud ahaanba shaqooyinkii ay deegaamadeeda ka qaban jirtey ka joojisay Hay’adda ka howlgasha Geeska Afrika oo magaceeda lagu sheegay Horn of Africa Consultants Firm (HACOF).
Warar ku dhaw dhaw maamulka Puntland ayaa sheegaya in Hay’adan shaqada laga joojiyay ay wadashaqayn la leedahay Dowladda Somalia sidaas daraadeedna madaama Puntland uu khilaaf kala dhexeeyo sidaas loo aaneeyay.
Wasaaradda qorshaynta Maamulka Puntland oo warkaani shaqa joojinta baahisay ayaa ku eedeysay Hay’ada Horn of Africa Consultants Firm (HACOF) inay ku xadgudubtay sharciyada NGO-yada Puntland iyo ururinta xog sharci darro ah oo jabinaysa xeerka tirakoobka Puntland.
Sidoo kale warka dhanka Puntland ka soo baxaya ayaa lagu sheegay in laga codsaday Hantidhowrka guud ee Puntland inuu baaritaan dhameystiran ku sameeyo Hay’adaani eedeynta loo jeediyay.
Dhanka kale Masuuliyiinta Hay’ada wali wax war kama soo saarin intaan la socono basle waxaa lagu wadaa inay ka jawaabaan shaqa joojinta lagu sameeyay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
