GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Somalia isagoona markaan ka dhawaajiyay in beesha caalamku qaati ka taagan tahay.
Wasiir Ceydiid wuxuu sheegay in Wakiilada Beesha Caalamku ay ka sii aamin baxayaan habka u Madaxweyne Xassan u hogaaminayo Dowlada Faderaalka Soomaaliya oo loo doortay 2022-kii.
Wasiirkaan u hadlay Maamulka Puntland wuxuu intaasi ku daray in qolada beesha caalamku xitaa kalsooni ku qabin Madaxweynaha Somalia marka dhanka amniga la eego oo aysana ku aamini karin xogaha sirdoon.
“Beesha Caalamku waxay lee yihiin waa ku khasaarnay hogaaminta Xassan Sheekh ee Somalia,mana lagu kalsoonaan karo,waan isaga gureynaa, mida kale xog sirdoona laguma aamini karo” ayuu yiri Wasiir Ceydiid Dirir.
Mar uu soo hadal qaaday xiriirka Maamulka Puntland kala dhexeeya beesha Caalamka ayuu wasiirku aad u amaanay isagoo tilmaamay inay gaartay heer ciidamada Mareykanku hawada kaalmo uga soo daadiyaan ciidamada Puntland ee ka dagaalamaya buuraha Gobolka Bari halkaasoo ay isku hayaan kooxda daacish.
“Dowladaha daneeya amniga Somalia waxay kalsooni u hayaan maamulka Puntland gaar ahaan dagaalka aan kula jirno argagixisada Daacish” ayuu yiri wasiiirka warfaafinta Puntland
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM