BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu shaaciyay inuu jiro shaki ay ka qabaan Markab kale oo isna hub sida kaasoo taagan xeebaha Gobolka Bari gaar ahaan degmada Bareed ee gobolka Raas-casayr inkastoo warar kale oo soo baxay isla maanta lagu sheegay in markab shidaal ay ciidamada Puntland weerareen.
Warka Maamulka Puntland ee ah inay markab kale kaga shakiyeen inuu hub sido uu laba maaln taagan yahay xeebahooda ayaa ku soo aadaya xili dhawaan ay ka qabteen isla xeebaha degmada Bareed ee gobolka Raas-casayr Markabka Sea World.
“waxaa jjira markab labaad oo uu saaran yahay calankii saarnaa Sea World, kaasi oo laga shaki qabo inuu isna hub sido”ayuu yiri Xildhibaan Cumar Maxamuud Axmed, oo katirsan golaha deegaanka degmada Bareeda
“Haddana markab kaleeto ayaa jira oo markabkaan ka dambeeyey oo laba cisho taagan meel Bareeda u jirta 15 Mayl, biyihii hore waa ka fogyahay waa isku nooc, badda ayaa kacsan waana l
Xildhibaanka wuxuu intaasi ku daray markabkaan labaad oo taagan meel Bareeda u jirta 15 Mayl, islamarkaana biyihii hore ka fog ay ciidamada Badda Puntland u diyaar garoobeen sidii ay jawaab uga bixin lahaayeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
