GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiirka arimaha gudaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabdi Faraax Saciid Juxa ayaa ka hadlay khilaafka kala dhexeeya Dowlada Somalia wuxuuna si gaar ah usoo hadal qaaday dhanka doorashooyinka iyo Dastuurka oo ah meelaha ay la isku hayo .
Wasiir Juxa wuxuu sheegay in Hadii la doonayo in xal laga gaaro khilaafla kala dhexeeya Dowlada ay tahay in Dowladu ka laabato sida ay wax u wado gaar ahaan wax ka badalkii ay dastuurka ku sameysay iyo sida ay u rabto in doorashooyinka loo maareeyo.
“hadii aan la ansixin shuruudaha doorashada oo dastuurku ugu horeeyo ma jirto wax talaabo ah oo la qaadi karo si gaar ah Dowlad Goboleedka Puntlad ma aha wax ka soconaya sida ay hada Dowladu wax u rabto”
Wasiirka ayaa si cad u sheegay in hadii Dowladu rabto inay saxdo waxa keenay khilaafka islamarkaana is fahan la doonayo ay tahay in wax laga badalo sida Dowladu u maareysay doorashooyinka dalka iyo dastuurka.
“Hadii Dowladu rabto in la xaliyo khilaafka waa in Dowladu ka laabataa go’aanadeeda ay mareyso doorashooyinka iyo wax ka badalka ay ku sameysay dastuurka”ayuu yiri Wasiir Juxa
labada dhinac ayaan mudo sanado ah lahayn wax wada shaqeyn ah marka la eego hay’adaha Dowliga ah walibana saameyn weyn ku yeelatay Puntland sida mashaariicda badan ee laga hor istaatay xili ciidamadii xitaa mushaar loo la’yahay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
