GAROWE (DAYNIILE.COM)-Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa wax ka badashay mowqifkoodii siyaasadeed madaama maalmihii ugu danbeeyay uu soo hagaagaayay xiriirkooda.

Wasiirka Cadaalada Puntland Cawil Sh.Xaamid ayaa goor dhaw saxaafada u sheegay in Puntland banaanka ka joogto qorshaha dowlada ay wado ee wax ka badalka Dastuurka islamarkaana aysan shaqo ku lahayn.

Advertisement

Wasiir Cawil wuxuu xusay ineysan diidaneyn dhameystirka Dastuurka iyo wax ka badalkiisa bale ay ka soo horjeedaan wadada Dowladu u mareyso.

“Waxaa la isku ogaa in wada tashi laga sameeyo wixii ku saabsan dastiurka sida wax ka badalkiisa balse sidaad arkeysaan dowladu la tashi ma sameyneyso”ayuu yiri Wasiir Cawil.

Madaxweynaha Puntland ayaa isna lagu wadaa inuu ayido warka wasiirka xukuumadiisa ka tirsan oo ay u badan tahay inuu isagu wax ka ogyahay hadalka wasiirka amaba uu usoo dhiibeyba.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleXOG: Is fahamka Madaxweynaha iyo Muuse Suudi maxaa xiga
Next articleHowlgal Ciidan oo lagu fashiliyay miinooyin ka hor inteysan qarxin+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here