HomeWarkiiMaamulka Puntland oo soo xirey saraakiishii hogaamineysay ciidamadii soo qabtay Markabka ...

Maamulka Puntland oo soo xirey saraakiishii hogaamineysay ciidamadii soo qabtay Markabka hubka sida

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Amar uu bixiyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Deni ayaa lagu soo xiray taliyihii ciidanka PMPF ee degmada Caluula Jaamac Axmed Muumin ( Kambaala Yare) kusaasoo masuul ka ahaa soo qabashada markabkii hubka siday.
Taliyaha waxaa wax laga weydiinayaa oo loo heystaa hub lagala degay Markabka Sea World ee shalay galab laga soo qabtay Xeebaha Raas-casayr ee Gobolka Bari- Puntland.
Sidoo kale waxaa shaqo joojin lagu sameeyay Taliyihii PMPF ee Raas-casayr iyo masuuliyiinta gobolka iyo degmada Bareeda, Madaxweyne Saciid Deni wuxuu ciidamada ku amrey in la baaro saraakiisha la soo xirey islamarkaana dib loo soo celiyaa hubka maqan.

XAFISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -