GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Warfaafinta Puntland Farxaan Cali Xirsi-xaad ayaa ka jawaabay hadal shalay ka soo baxay Wasiirka Difaaca Somalia Axmed Macalin Fiqi kaasoo ahaa in Puntland dhiirigelineyso burcad badeeda qafaalata Maraakiibta shisheeye.
Wasiir Farxaan Cali Xirsi-xaad wuxuu ku eedeeyay Wasiir Fiqi inuu isagu hore u sheegay in dalka ay ka jiraan laba xisbi oo kaliya Alshabaab iyo JSP taasoo uu sheegay muujineysa in Fiqi cadow u arkin Kooxda Alshabaab waa sida uu warka u dhigay.
“waxaad hore u muujisay inaysan argagixisadu cadaw ahayn,markii aad noo sheegtay in laba Xisbi kaliya inay dalka ka jiraan JSP iyo Al- Shabaab ciidamada Xananbuure joogta oo aad hasoo cararina lahayd, fariintaadu ciidanka kuma socone cadawgaad lahayd haka baqina oo yaysan culays idin galin.” ayuu yiri Wasiir Farxaan Cali Xirsi-xaad.
