Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheikh Cali ayaa soo dhaweeye Xukunka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Gobolka Mudug ee Puntland ay ku riday 4 kamida inka badan 40 qofood oo loo hayey kiisas la xiriira inay katirsan yihiin Al-habaab ayna geysteen falal kala duwan.

Gudoomiyaha ayaa yiri “ Waxaan soodhawaynayaa Xukunka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Gobolka Mudug ee Puntland ay ku riday 4 kamida Shabaabkii sida dhuumaalaysiga ah ku layn jiray Haldoorka iyo Labeentii Magaalada Gaalkacyo iyo kuwo walxaha qarxo oo aad u farabadan soo galiyey ugu danbayntiina aan gacanta ku soodhignay, waxaan Bogaadinayaa Shaqada culus ee Maxkamada Ciidamadu ka wado Gobolka Mudug iyagoo sii wadi doona Xukunka eedaysanayaasha oo wali qaar badani dhimanyihiin.

Xukun kan waxuu fariin adag udiraya kuwa ku dhuumaalaysanaya gudaha Magaalada walina maskaxdoodu ka guuxayso inay siidaadiyaan dhiiga Qof mu’mina waxan idin leeyahay maantaad jaanis haysataan aan waligiis idin soo mari doonin ee Gacanta Dowladda isku soo dhiiba intaanu Ciidamda oo garanaya goobahaad ku dhuumanaysan aanay idin sooqaban, halmidna haku fakerina inaad inta Qof Muslima dishaan aad si nabada ku joogtaan Magaalada ayuu yiti” Guddoomiyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here