Raagge Ceelle (dayniiile.com)-Maamulka Degmada Raagge Ceelle ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ka hadlay saldhig ay shalay kala wareegeen Ciidamada Midowga Afrika ee ku jooga Soomaaliya magacaATMIS.
Maamulka Degmada Raagge Ceelle waxay sheegeen in madaama Dowlada Soomaaliya isku filnaansho dhanka amniga gaartay la go’aamiyay in Dowladu sku tashato.
“Waan kala wareegnay guud ahaan xeradii anagoo kaashanayna xooga, Anagoo is leh aad iyo aad amniga waad sugi kartaan oo isku filnaasho amni ayaa ka jirta meesha,sidaas aradaeed ayaan si nabadgelya ah oo sharaf leh ayaan kala wareegnay Atmis ,amniguna sidiisa uu noo ahaanaa waxba iskama badeli doono insha Allaah”ayuu yiri Gudoomiyaha Raagge Ceelle Iidow Cali
Shalay ayay ahayd markii Ciidamada ATMIS ka baxeen saldhigii ay ku lahaayeen islamaerkaana lagu wareejiya Ciidanka Xoogga Dalka,iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka Somalia.
“Ciidamada ATMIS ee Burundi ayaa hadda loo daabuli doonaa gobollo kale oo Soomaaliya ka mid ah si ay u xoojiyaan ammaanka”.ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska ATMIS.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM