War ka soo baxay Maamulka Somaliland gaar ahan Wasaaradooda Warfaafinta ayaa markii ugu horeysay lagu joojyay ama lagu mamnuucay in Fanaaniintu heeso u sameeyaan una qaadaan Qabiilada.
Wasiirka Warfaafinta, ahna afhayeenka xukuumadda ayaa ku dhawaaqay go’aankaasi maamulku qaatay isagoona tilmaamay inay uga hor tagayaan in heesahaasi dhiiri gelin u noqdaan Qabyaalada.
“”Maanta oo taariikhdu tahay 17 Sebtember 2016-ka waxay Wasaarada Warfaafintu joojisay in Fanaaniintu qaadaan heesaha qabiilada lagu amaanayo ama lagu dhiiri-gelinayo kuwaasoo horseedi karaya kobaca qabyaalada iyo kala qeybsanaanta bulshada, Fanku waa sawrac, sumad iyo sooyaal taariikheed oo aynu leennahay, ma mudna in qabyaalad iyo kala-qaybin bulsho loo adeegsado” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland
Wasiirka wuxuu ka dalbaday Hay’adaha aamaanka iyo kuwa kale ee ay quseyso inay Maamulka kala shaqeeyaan hirgelinta amarkaan sida nidaamku qabo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ
