HomeWarkiiMaamulka Somaliland oo joojiyay duulimaadii Shirkada Air Djibouti

Maamulka Somaliland oo joojiyay duulimaadii Shirkada Air Djibouti

 HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Maamulka Somaliland ee gooni u goosadka ah ayaa la soo sheegayaa inay joojiyeen oo u diideen deegaanadooda inay tagto shirkada diyaaradaha Air Djibouti ee laga leeyahay Dalka walaalaheena ah ee Jabuuti kadib khilaa faad soo kala dhex galay labada dhinac islamarkaana salka ku heysa aqoonsi beeneedka ay Somali ka heleen  Yuhuuda.

Maamulka Somaliland waxay u qabteen shirkada Air Djibouti inay shaqadeeda ku joojiso beri oo ku aadan 7-da bisha wixii ka danbeeyana aysan iman karin garoomada diyaaradaha maamulkaasi.

Asbuuc kasta  4 maalin ayay shirkada Air Djibouti tagi jirtay deegaanada Somaliland oo rakaab geyn jirtay kana qaadi jirtay,warar ayaa tilmaamaya in shirkada Air Djibouti ay saacadaha soo socda war ka soo saari doonto arintaani kala dhexeysa maamulka Somaliland.

Jabuuti marka qadiyada aqoonsiga la eego waxay si buuxda ula safatay Dowlada Somalia iyagoo ka soo horjeestay in dalka Somalia la kala jar jaro oo lagu xad-gud-bo madax banaanida dhuleed ee Qaranka Somalia.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMAir Djibouti

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -