HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) ayaa sharaxad ka bixiyay xiliga ay qorsheynayaan inay dhaqan gal ka dhigaan heshiiskii badad ee ay la galeen Itoobiya.

Wasiirka wuxuu xusay inay heshiis u badalayaan is  afgaradkii dhex maray madaxda Dowlada Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.

Advertisement

“hir gelinta iyo xaqiijinta heshiiskaasi waxaa loo xil saaray gudi aqoonyahano ah “ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland.

Gudigaan oo sidoo kale ay ku jiraan siyaasiyiin iyo sharci-yaqaano ayaa waxaa hogaan looga dhigay Amb. Baashe Cawil,waxaana loo xilsaaray hirgelinta heshiiska.

Wasiiir Cali Mareexaan wuxuu carabka ku adkeeyay in sida ugu dhaw loo hirgelin doono heshiiska islamarkaana la hor geyn doono Golaha wakiilada Maamulka Somaliland.

dhanka kale wasiirka warfaafinta wuxuu beeniyay warkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in saraakiil sar sare oo Itoobiyaan ah ay Hargeysa u joogaan dhameystirka heshiiska bale wuxuu tilmaamay inay jiraan saraakiil uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibada Maamulka Somaliland kuwaasoo jooga adis ababa si loo dhameystiroi heshiiska badda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

Previous articleRa’iisulwasaare xigeenka oo la kulmay wafdi QM ka socda+Sawirro
Next articleSideed qof oo ku geeriyoodeen cisbitaalka Naasir ee Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here