Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay dilalka qorsheysan ee muddooyinkii dambe ka dhacaayay gudaha magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo banaanbaxyadii rabshadaha watay ay dadka deegaanka ka dhigeen bartamaha magaaladaas.

War-saxaafadeed kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo ku qornaa luuqada Ingiriiska ayaa lagu cambaareeyey dilalka qorsheysan ee loo gaystay mas’uuliyiin kala duwan oo sanadihii u dambeeyey lagu khaarijiyey Laascaanood.

Somaliland ayaa dilalka ku eedeysay inay ka dambeeyeen Alshabaab, sida waa lagu sheegay Warka, oo sidoo kale Wasaaradda ku cambaareysay Maamulka Puntland, ayna ku eedeeyeen inay gudbinayaan xogo marinhabaabin ah, oo qalalaasaha sii holcinaya.

Sidoo kale Wasaaraddu ayaa ka digtay duulaan iyo farogelinta dibaddeed ee Somaliland lagu soo qaaday, Xarunta xuquuqda aadanaha ee Somaliland ayaa xaqiijisey in 7 qof ay ku dhinteen 21 kalena ay ku dhaawacmeen israasaaseyn ka dhacday magaalada Laascaanood.

Maalintii 5-aad, ayaa magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ka dhacaayay banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayeen dadka deegaanka magaalada oo kasoo horjeeda dilalka qorsheysan ee halkaas ka dhaca iyo dhibaatada ciidanka Somaliland ay ku hayaan shacabka banaanbaxyada waday.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here