Maamulka Somaliland ayaa    Madaafiic ku gaaraacay Xalad gobolka Sool  oo xalay lagu qabtay 15 sano kadib xuska Kowda Luulyo.

Advertisement

 

Madaafiicda oo laga soo tuuray duleedka Laascaanood ayaa ku dhacday gudaha magaalada oo xalay si weyn loogu dabaaldagayay sanad guurada 63-aad ee 1-da Luulyo.

Sidoo kale waxaa dhankooda madaafiic ku jawaabay ciidamada SSC-Khaatuma ee difaacyada kaga jira bannaanka magaalada, taas oo uga sii dartay xaaladda.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, balse waxaa sidii loogu talagalay kusoo dhammaatay xafladda Kowda Luulyo ee lahi qabtay Laascaanood.

Dhanka kale, guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif oo ka hadlay duqeyntaas, ayaa  cambaareeyay, isaga oo ku eedeeyay maamulka Hargeysa.

Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here