Qoraal lagu shaaciyay warbaahinta Maamulka Somailand ayaa lagu sheegay in dalalka Imaaraadka Carabta iyo Mareykanka ay qarka u saaran yihiin inay aqoonsadaan Somaliland oo mudo raadineysay aqoonsi Dowladnimo.
Qoraalka Warbaahinta Maamulka Somaliland ka soo baxay ayaa sidan u qornaa:-
Dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran yihiin inay rasmi ah ugu aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaasna waxa maanta daabacay warsidaha Daily News Egypt (DNE), waxaannu tilmaamay in Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan. Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu ku guulaystay inuu helo dalal diyaar u ah inay ictiraafaan JSL.
Warbixinno kale ayaa tibaaxaya in Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Imaaraadka Carabta iyo ilaa 17 dal oo kale ay dhowaan ku dhawaaqi doonaan aqoonsi rasmi ah oo ay siiyaan Jamhuuriyadda Somaliland oo in ka badan 30 sannadood baadigoob ugu jirtay inay aqoonsi caalamiya ka hesho beesha caalamka.
Mid ka mid ah ilo wareedyada oo la hadlay DNE Africa ayaa sheegay in arrinta aqoonsiga Somaliland uu isa soo tarayo, hase yeeshee aanay xilligan suurtogal ahayn in Xukuumadda Somaliland shaaciso magacyada dalalka danaynaya aqoonsiga JSL.
Somaliland ayaa tan iyo 1991 si madax-bannaan isu maamuleysay kadib, markii ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya, waxaanay muujisay xasilooni buuxda, dimuqraaddiyad iyo dawladnimo shaqeynaysa.
