HomeWarkiiMaamulka Somaliland oo Mareykanka aqoonsi uga raba saldhig ciidan iyo macdan

Maamulka Somaliland oo Mareykanka aqoonsi uga raba saldhig ciidan iyo macdan

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Maamulka Somaliland ayaa aad u baadi goobaya sidii awalba lagu yaqaanay inay aqoonsi ka helaan caalamka iyadoo Madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland C/raxman Cirro uu dar dar geliyay dadaaladii ay hore u soo wadeen madaxdii ka horeysay.
Wararka ku dhaw dhaw Madaxweyne C/raxmaan Cirro ayaa sheegaya inuu Mareykanka ku qalqaalinayo inay la baxaan macdanta dhulka  maamulkaasi ku jirta sidoo kalana ay saldhig milateri ka sameystaan Ber-bera si ay kaliya aqoonsi uga helaan Mareykanka oo ah dalka maanta ugu horeeya dhan kasta dunida hadey dhaqaale tahay iyo hadey awood milateri tahay intaba.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro) uu booqanayo dhawaan dalka Mareykanka si yy halkaasi uga sii wad wado qal qaalada uu ugu jiro aqoonsi inay helaan walow ay aad u adag tahay in reer Dowlad ahaan loo qoonsado.
Maamulka Somaliland ayaa isku dayaya inuu  ka faa’iideysto rabitaanka Madaxweynaha Mareykanka Trump ee ah inuu Shiinaha kaga hor maro istaraatajiyada gobolka Geeska Afrika inkastoo haduu Somalia dan ka leeyahay uusan u baahneyn inuu somaliland u maro madama dalka Somalia uu leeyahay Dowlad Caalamku aqoonsan yahay xili waliba Madaxweyne Xasan uuba quuda dareynayo inuu saldhig siiyo Mareykanka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -