HomeWarkiiMaamulka Somaliland oo shaaciyay inay la xisaabtami doonaan cid kasta oo dhibateysa...

Maamulka Somaliland oo shaaciyay inay la xisaabtami doonaan cid kasta oo dhibateysa Itoobiyaanka.

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Taliska Booliiska Maamulka Somaliland ayaa soo saaray amar ay ku mamnuucayaan in shacabka reer Hargeysa garaacaan Itoobiyaanka ku sugan Magaalada Hargeysa iyo deegaanada kale ee Somaliland.

Booliiska waxay shaaciyeen inay la xisaabtami doonaan cid kasta oo dhhibaateysa dadka Itoobiyaanka xili dhawaan baraha bulshada lagu faafiyay dad Itoobiyaan ah oo garaacaya dhacab Itoobiyaan ah oo uu kyu jirey cunug yar oo ah kuwa kabaha caseeya ama baalasha.

Af-hayeenu hadlay  Booliiska Maamulka Somaliland ayaa warbaahinta ka sheegay in labada shucuub yihiin dad walaalo ah islamarkaana iskula nool si nabad ah.

“Waxaan uga digayaa dhallinyaradaas inay nidaamka ka hor-yimaadaan islamarkaana shaqada booliiska faraha la soo galaan, hadiiba ay jiraan ajaanib sharci daro ku joogta waa inaad booliiska howshiisa u deysaan”ayuu yiri Afhayeenka Booliiska

Shacabka reer Hargeysa ee garaacay Itoobiyaanka oromada ah ayaa ka carooday kadib markii qaarkood baraha bulshada ku faafiyeen in Hargeysa asalkeeda ay Oromada leeyihiin.

SOURCE AL-JAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -