HomeWarkiiMaamulka Somaliland oo sheegay in go'aankii cunaqabateynta looga qaaday Somalia ay cawaaqib...

Maamulka Somaliland oo sheegay in go’aankii cunaqabateynta looga qaaday Somalia ay cawaaqib xun ku yeelatay xasiloonida Geeska Afrika

Wasiirka maamulka Somaliland u qaabllsan arrimaha dibadda  C/raxmaan Daahir Aadan ayaa sheegay in go’aankii Qarammada midoobay ay cunoqabataynta hubka kaga qaaday dalka fashilmay ee Soomaaliya ay cawaaqib xun ku yeellatay xasiloonida mandaqada Geeska Afrika.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu xalay ku daabacay barta X (Twitter)sida lagu shaaciyay TVga Somaliland.
“Go’aanka Qarammada Midoobay ay ku qaaday cunaqabatayntii hubka ee dalka fashilmay ee Soomaaliya, ayaa sababtay cawaaqib xumo iyo xasilooni-darro ballaadhan,” ayuu yidhi Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan, wuxuuna intaas ku daray,
“Halkii cunoqabatayntaas la qaaday laga filayey in uu gacan ka geysto nabadda iyo deganaanshaha, wuxuu dhiirrigeliyay kooxaha xagjirka ah, waxana tallaabadaasi sii wiiqday amniga guud ee gobolka.”
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si degdeg ah dib ugu qiimayso oo ay dib u eegis ku samayso cunoqabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, maadaama khatarteedu sii kordhayso oo ay halis gelinayso xasilloonida Geeska Afrika.
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo Xaflad soo  dhaweyn loogu Sameeyey Bloomington Minnesota.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -