HomeWarkiiMaamulka Somaliland oo sheegay inay halgan u galayaaan sidii ay u heli...

Maamulka Somaliland oo sheegay inay halgan u galayaaan sidii ay u heli lahaayeen aqoonsi Dowladnimo

Af-hayeenka Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo goor dhaw war qoraala soo saaray lagama baahiyay warbaahintooda ayuu kaga hadlay wadada ay u marayaan inay ictiraf helaan xili aysan jirin cid aqoonsatay mudo sodon sano dhan.
Af-hayeenku wuxuu sheegay inay Somaliland halgan u galayso sidii ay u heli lahayd aqoonsiga madaxbannaanideeda iyadoo u maraysa go’aan adag oo ku sallaysan diblomaasiyad togan, iskaashi iyo xasilooni.
Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu intaasi ku daray in bogcada istaaratiga ee ay ku taallo Somaliland ay muhiimad u yeellayso, maadaama oo dhacdo isgoyska badda cas iyo Geeska Afrika.

Afhayeen Deyr wuxuu hoosta ka xariiqay in muddo ka badan 30 sanno ay Somaliland door shariif ah ka qaadatay xasiloonida mandaqada Geeska Afrika,wuxuu ku dooday in  Somaliland ay tusaale ku noqotay ammaanka iyo hoggaanka dimuqraaddiyadda ka dhashay ee ay ku naalloonayso.
Afhayeenka madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray inay si kalfuran ay mar walba u sii xoojinayso xidhiidhka ay la leedahay caalamka oo uu ka mid yahay Maraykanka oo ay dan wadaag ka noqon karaan dhinacyada amniga badda, la dagaalanka argagixisada iyo ganacsiga iyo macdanta naadirka ah. Isagoo xaqiijiyay in masaalixdaasi ay ku wajahnaan doonaan horumarka gobolka.
=XIGASHO WARBAAHINTA SOMALILAND=
RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -