Kadib markii shalay ay dawlada Soomaaliya ku dhawaaqday in ay xidhayso aaladaha Tiktok, 1xbet iyo Telegram, Somaliland ayaa xustay in aan dhulkeeda laga xidhi doonin aaladahan.

Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Cabdillaahi Suufi, oo Horyaal TV wax ka waydiisay go’aanka dowlada Soomaaliya, aya sheegay in go’aankaasi aanu Somaliland khusayn.

“Inama khusayso laba dal ayaynu kala nahay, oo midwalba ay dowladnimadiisu gaar u tahay markaa wax ina khuseeya maaha” ayuu Wasiir Suufi Horyaal TV u sheegay.

Advertisement

Wasiirku waxa uu sheegy in Somaliland ay samaysay xeer loo isticmaali doono danbiyada ka dhaca baraha bulshada iyo anshxooda, lakiin anay xidhidu xal ahayn.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee baraha bulshada isticmaasha, gaar ahaan aalada Tiktok ayaa walaac ka muujiyay go’aanka dowlada Soomaaliya.

“Tiktok hadii la xidho banaanbaxyo waaweyn ayaa dhacaya, dowladu ma xidhi karto Tiktok, dhalinyaro badan ayey nolol u tahay, arrintaas ma’ahan mid la aqbali karo” Bilaal Bilshaawi oo loo garan ogyahay madaxweynaha Tiktok ayaa sidaa kaga falceliyay amarka dowlada.

Hadaba, dhallinyarada Soomaaliyeed ayay barta Tiktok si wayn usoo jiidatay tan iyo markii ay soo baxday, iyada oo hada ay jiraan kumanaan dhallinyaro ah oo caan ka ah bartan, dhallinyaradan ayaa qaarkood lacago ay noloshooda ku dabaraan ka sameeyaan aaladan.

Dhinaca kale, waxa la aaminsanyahay in bartani ay qayb ka ciyaartay dhaqan guur ay wajahayaan dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo dhallinyaradu ay ku kacaan falal aan diinta iyo dhaqankaba u fiicnayn, si ay u helaan daawadayaal badan.

Hadaba, waxa isha lagu hayaa hadii ay dowladu fulin doonto amarkeeda iyo in ay wax iska badali doonaan.

Previous articleMaxaa ka jira Khilaafkii siyaasiyiinta Murusade u dhaxeeyay oo xal laga gaaray.
Next articleDEGDEG:- Qarax aad u weyn ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here