HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xiisada ka taagan Gobolka Sanaag kaasoo u dhexeeya Maamulada SSC Khaatumo iyo Puntland xili Dowlada Somaaliyana lagu xamanayo inay ku lug leedahay.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maamulka somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hareysa ayaa Dowlada Somalia ku eedeeyay inay faragelin ku heyso dhul Somaliland ka taliso sida uu warka u dhigay oo ah bariga Gobolka Sanag.
“shirkan waxaan u qabanay inaan kaga hadalno daan-daansiga,xasarad iyo colaad hurinta uu madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ka wado deegaano ka tirsan bariga Somaliland, runtii waa wax laga xumaado madaxweyne dal masuul looga dhigay oo ku fashilmay inti masuulka looga dhigay, xasilin kari waayay oo albaabkiisii Alshabaab garaaceyso oo marna degmo ka qabsaneyso hadana si indha la’aan ah ciidamo u soo diraya degmooyin ka mida bariga Somaliland oo dadkii wada dhashay qoorta isu gelinaya”ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland.
Wasiir Axmed Yaasiin wuxuu soo hadal qaaday dagaalkii Moqokori ay shalay ku qabsadeen Alshabaab isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay iyadoo Alshabaab halkaasi qabsanayaan in hadana Madaxweyne Xasan uu ciidamo u diro Sanaag.
“Ninka ay Moqokori Alshabaab ka qabsaneyso ee Muqdisho xasilin karin,waa wax lala yaabo inuu yiraahdo Gobolka Sanag baan ciidan u soo dirayaa,wixii cawaaqib xumo ka yimaada masuuliyada Xasan baa qaadaya cid kale oo la qaadeysaa ma jirto,waxaan ugu baaqeynaa inuu faraha kala baxo waxaan aan loo dooran ee uu dhexda kaga jiro.
Mar uu ka hadlayay colaada ceeri-gaao iyo sanaag kaga furan maamulkooda wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Ciiro uu diyaar la yahay gogoshii la dhigay Magaalada Ceeri-gaabo islamarkaana dadka deegaanaasi diyaar ula yihiin wada-hadal balse wuxuub carabku ku adkeeyay in Madaxweyne Xassan aanay jirin meel kaga furan inuu arimahaani soo galo.
“Madaxweyne Xasan waxaad tahay nin aqoon-yahan ah laabta u sii daa walaalaha somaliland aqoonsigoodii wuu imaanayaa oo qarka ayuu saaran yahay mana la joogo heer aad maanta ka carqaladeyn karto aqoonsiha oo waa la soo dhaafay waxaanu mareynaa heer congareyska Mareykanka laga doodo aqoonsiga Somaliland”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


