HomeWarkiiMaamulka Somaliland oo war ka soo saaray Isku dhac dhexmaray ilaalada Muuse...

Maamulka Somaliland oo war ka soo saaray Isku dhac dhexmaray ilaalada Muuse Biixi iyo Booliiska Garoonka diyaaradaha Hargeysa

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya inay isku dheceen ilaalada Madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi iyo Booliiska Garoonka diyaaradaha Hargeysa waxaana goobta ka dhacday rasaas aan badneyn.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Booliisku ka celiyeen Muuse Biixi Garoonka diyaaradaha Hergeysa taasoo ay ka caroodeen ilaaladiisa oo ahaa kuwa dhar cad ah,waxaana dhex maray muran sababay in booliisku rasaas adeegsadaan.

Maamulka Somaliland gaar ahaan taliska Booliiska ayaa goor dhaw war ka soo saaray dhacdadaani waxayna shaaciyeen in la xirey askartii Booliska ahayd ee ka danbeysay laba xabadood oo meesha ka dhacday sida ay sheegeen.

Dhanka kale Xisbiga Kulmiye ayaa ka hadlay dhacdadaani waxayna durba dalbadeen in baaris degdeg ah la sameeyo si loo ogaado waxa keenay in Madaxweynihii hore  Biixi laga hor istaago garoonka diyaaradaha Cigal ee Magaalada Hargeysa.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -