BOORAMA (DAYNIILE.COM)-Sida uu baahiyay TV-ga Universal wariye ka tirsan Soomaaliyeed ayaa lagu xirey Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal halkaasoo maalmihii ugu danbeysay ay ka jireen dibad bxyo ay shacabkaasi ga soo horjeedeen talaabada Israa’iil aqoonsiga ku siisay Somaliland si ay ugu badashaab in shacabka muslimiinta Falastiin loo soo barakiciyo Somaliland taasoo xad-gudub ku ah shacabkaasi awalba iska dhibaateysnaa .
Ciidamada maamulka Somaliland ayaa qabtay Wariye Xasan Koronto oo ka mid ah kuwa ka howlgala magaaladaasi,waxaana wararku tilmaamayaan in guud ahaan wariyayaasha magaaladaasi inay diideen inay tabiyaan wararka ku saabsan damaca israa’iil ee aqoonsiga Somaliland.
Gudoomiyaha Gobolka Awdal ayaa hoggaaminayey ciidanka watay Wariyaha oo ilaa iminka la aqoon halka ay la aadeen taasoo ka hor imaaneysa xorioyada wariyayaasha madaxa banaan,mana aha markii ugu horeysay balse maamulka Somaliland ayaa lagu yaqaan caburinta wariyayaasha.
Maamulka Somaliland ayaa ka carooday in wariyayaasha madaxa banaan ee reer Boorama ay soo gudbiyaan aragtida iyo rabitaanka bulshada Gobolka Awdal ee ku aaddan Wadajirka iyo Midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Si kastaba Magaalada Boorame xariga Wariye Xasan Koronto loo geystay waxaa ka dhashay xiisad iyadoo shacabku ka soo hor jeesteen talaabadaasi ciidamada maamulku qaadeen iyagoo caburinaya wariyyaasha madaxa babaan.
XAFIISKA WARARAKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

