HomeWarkiiMaamulka SSC Khaatumo oo shuruud ku xirey inay sii daayaan ciidamada Somaliland...

Maamulka SSC Khaatumo oo shuruud ku xirey inay sii daayaan ciidamada Somaliland ee wali gacantooda ku jira

Wasiir u hadlay Maamulka SSC Khaatumo ayaa ka hadlay xaalada maxaabiista reer Somaliland ee wali gacantooda ku jira isagoona u kala qaaday laba qeybood sida askar caadi ah iyo saraakiishii hogaamineysay dagaalka.

Wuxuu sheegay inay dhawaan maxkamad la soo taagi doono qaar ka mid ah maxaabiista Somaliland ee lagu qabtay dagaalkii Goojacade gaar ahaan kuwa ciidamada ahaa.

Wasiirka warfaafinta SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle Warsame wuxuu saxaafada u xaqiijiyay inay gabi ahaanba sii deyn doonaan ciidamada reer Somalialand ee gacantooda ku jira balse uu shuruud ku xirey sii deyntooda.

Wasiir Najiib Barkhadle wuxuu sheegay in ciidamada ay ku sii deyn karaan shuruuda ah hadii Madaxda cusub ee Maamulka Somaliland  cadeeyaan inay ka laabteen  mabaadiidii  hore ee maamulkaasi balse saraakiisha ay yihiin maxkamad sugayaal.

“maxabiista reer Somaliland waa laba qeybood ciidanka iyo saraakiishii hoggaaminta la ahayd,waan maxkamadeyn doonaa ciidamada hadii madaxdoodu cadeyeen inay ka laabteen mabaa dii’dii hore balse kuwa dagaalka iyo madaaiicda hagayay waxaan soo taagi doonaa Maxkamad”ayuu yiri Wasiir Barkhadle

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -