Laas-caanood (dayniiile.com)-War ka soo baxay Maamlka SSC Qaatumo ayaa lagu sheegay inay Dowlada Soomaalia iyo Beesha Caalamkaba ogeysiinayaan kana digayaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo Maamulka Somaliland uu ka wado Gobolka Sool.
Warsaxaafadeed ay soo saaren SSC Qaatumo waxay ku sheegeen inay haddii la soo weeraro fariisimahooda ay is difaaci doonaan ayna u diyaar garoobeen sidii ay uga hortagi lahaayeen.
“wixii cawaaqim xumo ah ee ka dhasha waxaa masuuliyada qaadi doona Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi”ayaa lagu yiri warsaxafadeedka SSC Qaatumo.
Sidoo kale waxay sheegeen inay si dhaw ula socdaan dhaq dhaqaaqyada ay wadaan Maamulka Somalilnd iyagoona ka digay abaabukaasi dagaal ee maamulka Muuse Bixi.
“mar walba ciidamadeena waa u diyaarsan yihiin difaacida dhulkooda,mar kasta ay isku dayaan Somaliland inay dib u soo weeraraan goobihii aan hore uga saarnay ciidamadeenu waa u diyaar inay iska difacaan”ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka SSC Qaatumo
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM