LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Wasaarada Maaliyada Maamulka Waqooyi Bari ayaa jawaab adag waxaa lagu siiyay Shirkadaha Isgaarsiinta iyo bangiyada ka howlgala Magaalada Laas-caanood ee xarunta Maamulka kuwaasoo dhawaan eedeyn u soo jeediyay maamulka iyagoona sheegay in lacago aan sharci ahayn la weydiistay islamarkaana aysan bixineyn.
Wasaaradda maaliyadda Maamulka Waqooyi Bari waxay warsaxaafadeedkeeda ku sheegeen inaaneyn waxba ka jirin cashuur bixiyayaasha ay isku sheegeen shirkaddaha isgaarainta iyagoona ku eedeeyay inay diideen inay u hogaansamaan awaamiirta Maamulka.
” halkii ay amaamirta dawladda u hogaansan la haayeen ayay galeen abaabul iyo mari habaabinta bulshadda iyo kooxaysi aan sharci ahayn” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Maamulka Waqooyi bari
Maamulka wuxuu sidoo kale ku eedeeyay shirkadaha Isgaarsiinta iyo bangiyada Laas-caanood ku yaal inaysan diyaar u ahayn inay xarumahooda dhexe (headquarters) keenaan caasimadda Dawlad Gobeleedka Waqooyi Bari Somalia taas oo khatar ku ah amniga, dhaqaalaha iyo xogta shacabka maamulkaasi sida ay warka u dhigeen.
“waxaanu adkaynaynaa in aanay jirin cid ka sarayn karta sharciga, waxaana ka digaynaa cawaaqib xumada ka dhalan karta abaabulka kooxaysan iyo is hortaaga dawladnimada Waqooyi Bari Soomaaliya” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
