LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Maamulka Waqooyi Bari ayaa soo saaray Warsaxafadeed ay kaga digayaan dhaq dhaqaaqyo ay Ciidamada Somaliland ka wadaan xadka labada maamul kaasoo ay ku doonayaan inay duulan ku soo qaadaaan dhankooda.
Warsaxaafadeedka oo si gaar ah uga soo baxay Wasaarada amniga Maamulka Waqooyi Bari ayay ku sheegeen in dhibaatadii ka timaada weerarka Somaliland soo qaadeyso ay iyagu masuuliyada qaadi doonaan.
Dhankooda Maamulka Waqooyiga Bari waxay warkooda ku sheegeen inay diyaar u yihiin inay dariskooda nabad kula noolaadaan oo aysan colaad diyaar u ahayn.

