HomeWarkiiMaamulka Waqooyi Bari oo maanta sii deynaya maxaabiis reer Somaliland ah iyo...

Maamulka Waqooyi Bari oo maanta sii deynaya maxaabiis reer Somaliland ah iyo Madaxweyne Xasan oo lagu wareejinayo.

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Xarunta Maamulka Waqooyi Bari Somalia ee Laas-caanood ayaa sheegaya in maanta Maamulkaasi sii deynayaan Maxaabiis reer Somaliland kuwaasoo mudo ku xirnaa Laas-caanood.

Wararku waxay tilmaamayaan in maxaabiista maanta la sii deynayo ay tira ahaan gaarayaan 70 ruux kuwaasoo si rasmi ah loogu wareejin doono Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo dadaal badan u galay sidii maxaabiista loo sii deyn lahaa labada dhinacba.

Xogaha la helayo waxay intaasi ku darayaan in Maxaabiistaan Madaxweyne ay u soo raaci doonaan Muqdisho kadibna Dowladu xiriir la sameyn doonto Maamulka Somaliland si iyagana ay maxaabiista ay hayaan u dhaasan lahaayeen maxaabiista lagu wareejin doono hadii Rabi idmo.

Dhanka kale Madaxda Maamulka Somaliland waxaa  lagu wadaa inay war ka soo saaraan qorshaha Madaxweyne Xasan ee ah in maxaabiista ay is dhaafsadaan Maamulada Waqooyi iyo Somaliland.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -