HomeWarkiiMaamulka Waqooyi bari oo shuruud ku xirey rabitaanka Madaxweyne Xasan

Maamulka Waqooyi bari oo shuruud ku xirey rabitaanka Madaxweyne Xasan

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi ayaa ka hadlay rabitaanka Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ee ah in dhamaan la sii daayo maxaabiista reer Somaliland ee gacanta ugu jira maamulka Waqooyi bari isagoona ku xirey dhuruud.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in kaliya maxaabiista lagu sii deyn karo heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaaddii ka dhacday gobolka Sool.

“suurtagal maaha in la sii daayo kuwii xasuuqay oo barakiciyay shacabka Laas-caanood, sababtoo ah qaarkood waxay ku lug leeyihiin dambiyo culus, waxaana suurtagal ah in Maxkamad la soo taago si loola xisaabtamo “ayuu yiri  Dr. Aadan Cabdullaahi

Gudoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari wuxuu gabi ahaanba meesha ka saaray in Somaliland inta ay aaminsan tahay inay xoog ku qabsan karto dhulkooda aysan iman karin wada hadal nabadeed oo lagu sii daayo maxaabiista.

Dhanka kale Gudoomiyaha wuxuu cadeeyay ineysan ku faraxsanayn in muddo saddex sano ah maxaabiis la kala haysto,wuxuu intaasi ku daray inay dhawaan 25 maxbuus sii daayeen markii uu Ra’iisulwasaare Xamza booqday Laas-caanood.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -