HomeWarkiiMaamulka Waqooyi Bari oo war ka soo saaray duqeynti dhawaan lagu dilay...

Maamulka Waqooyi Bari oo war ka soo saaray duqeynti dhawaan lagu dilay Nabadoonkii Gobolka Sanaag

LAAS-CAAOOD (DAYNIILE.COM)-Dawlad Goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray dilkii duqeynta diyaaradeed ahaa  ee dhawaan loo geystay Nabadoonkii Gobolka Sanaag Rabi ha u naxariistee Cabdullaahi Cumar Cabdi.

Maamulka wuxuu ugu horeyn si kulul u cambaareeyay dilkaasi oo ay fulisay diyaarad dagaal oo aan wali la aqoonsan dalka iska leh,balse maamlku baaritaan ku sameyn doono,sidoo kale warka maamulka waxaa lagu xusay inay ehalka dhaw ee marxuumka uga tacsiyeynayaan geerida Nabdoonka.

Warka ka soo baxay Maamulka Waqooyi waxaa sidoo kale loogu baaqay Dowlada inay qaadato doorkeeda ilaalinta hawada islamarkaana ay la socoto dhaq dhaqaaqyada  shisheeyuhu ka fulinayaan hawada Somalia.

“dilka loo geystay nabadoonka waa arrin dhaawac ku ah nabadda iyo xasiloonida shacabka Waqooyi Bari iyo guud ahaan shacabka Soomaliyeed.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

May be an image of ‎text that says "‎Dawlad Bari Soomaaliya الصومل شرق NORTHEASTERN SOMALIA 16/09/2025 Waqooy Cumar diraysaa ehelada, Soomaaliya. dhaawac Jinacyo taariikhdu markay Sanaag, Dawladda Waqooyi waxay cambaareyneysaa Nabadoonka, xadgudub nolosha nabadda shacabka Waqooyi Bari. cambaareyneynaa garanayn cabsi markaana abuuray Waqooyi foosha beegsaday dhaqanka Soomaliyeed, karaamada, Dawladda Waqooyi hawada gobolka Sanaag, kuwaas xasilloonida gobolka iyo Dawladda Waqooyi waxay baaqaysaa laga codka shacabka gobolka dhago maqlo loona tixgeliyo Waqooyi Baro shacabka sida nabadoonka. falkii lagu Bari waxay แฮน baaqeysaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ilaalinta iyo muwaadiniinta qaadato gacan aysanaysa qaadato dilka Ugu danbayn, shacabka Waqooyi Bari gacan Waqooyi Bari caddaynaysaa tahay lama taabtaan. dhulka, hawada iyo -DHAMMAAD-‎"‎
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -