LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Wasiir ka tirsan Maamulka Waqooyi-Bari Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababta loo qaban la’yahay caleema saarka Madaxweynaha maamulkaasi C/qaadir Aw-Cali Firdhiye.
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha-gudaha Maamulka Waqooyi Bari Cali Axmed Cali ayaa ku dhawaaqay inay dib u dhigeen caleema saarka ilaa iyo inta roob uu ka da’ayo.
“Reer Waqooyi Bari ma dabaal-degi Karaan iyadoo abaari jirto sidaas daraadeed waxaan la sugeynaa dabaal degeena caleema saarka inta roobku ka imaanayo” ayuu yiri Cali Axmed Cali
Warkaan ka soo baxay Maamulka Waqooyi bari ayaa imaanaya xili warbaahinta iyo baraha bulshadaba aad looga hadal hayay sheekooyin ay ka mid yihiin Madaxweynaha Somaliya ayaa shuruud ku xirey ka qeybgalka caleema saarka sida in la sii daayo maxaabiista laga hayo reer Somaliland iyo sheeyin kale
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.CO
