Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday, shirweyne ku saabsan xallinta caqabadda soo wajahday Ardayda Reer Puntland ee Waxbarashada heerka labaad u raadsada Turkiga, kadib markii hay’adda Tacliinta sare u qaabilsan Turkiga ee YOK ay sheegtay, in aysan aqoonsanayn Shahaadada Jaamacadaha Puntland.

Shirka waxa looga arrinsan doonaa Dib u-eegista, Qiimaynta, Hormarinta iyo Tayeynta Tacliinta Sare ee Puntland iyo xallinta caqabadda soo wajahday Ardayda Reer Puntland ee Waxbarashada heerka labaad u raadsada Turkiga.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in la hawl-gelinayo Guddiga Tacliinta Sare ee Puntland, si uu waajibaadkiisha shaqo u guto, islamarkaana qayb uga noqdo xallinta Caqabaddan soo korortay.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here