HomeWarkiiWasiir Fiqi oo Maanta booqday Kulliyadda Ciidanka Dalka Qatar

Wasiir Fiqi oo Maanta booqday Kulliyadda Ciidanka Dalka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo, oo uu kamid yahay taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Jeneraal Sahal Cabdulaahi Cumar oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta booqday Kulliyadda Ciidanka Lugta ee Ahmed Bin Mohammed Military College.

Waxaa si diirran u soo dhaweeyay Taliyaha Kulliyadda, Sareeyo Guuto Cali Maxamed Al-Fadaala oo Wasiir Fiqi iyo wafdigiisa kusoo wareejiyay qaybaha kala duwan ee Kulliyadda, gaar ahaan goobaha lagu tababaro ciidanka, fasallada waxbarashada, iyo qaybaha maamulka.

Intii uu joogay Kulliyadda, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa la kulmay Layli Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee wax ka barta. Wasiirka ayaa kula dardaarmay inay si buuxda uga faa’iideystaan fursadda waxbarasho ee ay heleen. Ujeeddadu waa in ay dalka ugu soo laabtaan iyaga oo xanbaarsan aqoon iyo xirfad ay uga qaybqaadan karaan amniga dalka iyo dib-u-dhiska ciidanka Soomaaliyeed.May be an image of 4 people and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 4 people, the Oval Office and textMay be an image of 14 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and text that says "+N"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -