HomeWarkiiMaareeyaha Dekada Muqdisho Amb Mohamed Ali Nuur Americo oo la kulmay  Ra’iisul...

Maareeyaha Dekada Muqdisho Amb Mohamed Ali Nuur Americo oo la kulmay  Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre Sawiro..

Wararka ka imaanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xamza Cabdi Barre ayaa sheegaya in uu kulan la yeeshay Maareeyaha Dekada Muqdisho Amb Mohamed Ali Nuur Americo oo uu Wehliyo  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Kulankan oo ahaa mid miro dhal ah ayaa  waxaa looga wada hadlay xaalada dekada Muqdisho, waxa uuna uga mahad celiyay Maareeyaha Dekada Muqdisho Amb Mohamed Ali Nuur Americo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xamza Cabdi dhagaysiga uu dhagaystay asaga iyo Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo soo dhawaynta Diiran.

 

Maareeyaha Dekada Muqdisho Amb Mohamed Ali Nuur   ayaan sheegay in shirkaas looga hadlay arimo ay ka mid ahaayeen horumarka iyo dadaalka ballaaran ee ka socda Dekedda Muqdisho.

Sidoo kale  Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha Dekedda, isagoo si gaar ah ugu hambalyeeyay guusha aan ka gaarney kaalinta koowaad ee dekedaha Bariga Afrika iyo kaalinta afraad ee dekedaha ugu horumarsan Qaaradda Afrika.

“ Guushan waxay astaan u tahay dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyada Dekedda Muqdisho iyo doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay koboca dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Maareeyaha Dekada Muqdisho Amb Mohamed Ali Nuur Americo.

Dhinaca kale  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xamza Cabdi  ayaa u  mahadceliyay dhammaan shaqaalaha Dekedda Muqdisho oo si wadajir ah u horseeday natiijadan lagu faano

 

Cabdoxakiin Cilmi Xasan

Nairobi Kenya

+254—711830393

Cabdixakiin441@hotmail.com

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -