Wararka ka imaanaya Dekada Muqdisho ayaa sheegaya in Maareeyaha Dekada Muqdisho Amb Mohamed Ali Nuur Americo uu halkaas kula kulmay goolhayihii hore ee kooxda kubadda cagta Dekaddaha.
“ Sharaf weyn ayey ii ahayd inaan xafiiskayga ku qaabilo goolhayihii hore ee kooxda kubadda cagta Dekaddaha Mogadishu Port Authority Dekedda Sports Club iyo xulka Qaranka Xasan Sheekh Aways (Joorge), oo ka mid ahaa ciyaartoydii ugu firfircoonaa ee guulo waaweyn la gaarsiiyey kooxda Dekaddaha iyo xulka qaranka” ayuu yiri Maareeyaha Dekada Muqdisho Amb Mohamed Ali Nuur Americo
“ Goolhaye Joorge wuxuu ka mid yahay halyeeyadii hore ee kubadda cagta Soomaaliyeed, isagoo lagu xusuusto kaalintiisii muhiimka ahayd ee uu ku lahaa taariikhda isboortiga dalka, gaar ahaan naadiga Dekaddaha, oo uu muddo dheer ku matalay xirfaddiisa ciyaareed” ayuu yiri Maareeyaha Dekada Muqdisho Amb Mohamed Ali Nuur Americo.
Sidoo kale Maareeyaha Dekada Muqdisho Amb Mohamed Ali Nuur Americo ayaa maalmuhii la soo dhaafay waxa uu waday Tayaynta kooxda Dekadaha.
Cabdixakiin Cilmi xasan
Nairobi

