Ambasador Mohamed Ali Nur (Americo), Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho ayaa cashar ka bixiyey Kuliyadda Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Jaamacadda Benadir kaasoo ku saabsanaa doorka ganacsiga, saadka iyo horumarka mustaqalka dhaqaale ee Soomaaliya “𝐓𝐫𝐚𝐝𝐞, 𝐋𝐨𝐠𝐢𝐬𝐭𝐢𝐜𝐬, 𝐚𝐧𝐝 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐄𝐜𝐨𝐧𝐨𝐦𝐢𝐜 𝐅𝐮𝐭𝐮𝐫𝐞”,.
Maareeyaha Guud ee Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa si gaar ah u iftiimiyay xiriirka ka dhexeeya ganacsiga casriga ah, maamulka saadka, koboca dhaqaalaha iyo fursadaha maalgashi ee dalka, iyadoo ardayda lagu baraarujiyay muhiimadda ay leeyihiin Barashada aqoonta logistics-ka, maamulka ganacsiga, dhaqaalaha iyo xisaabaadka.
Ambasador Mohamed Ali Nur (Americo), ayaa Dhinaca kale si faahfaahsan uga warbixiyay hanaanka shaqo ee Dekedda Muqdisho, horumarka laga sameeyay adeegyada dekedda iyo sida in si weyn loo adkeeyay Quality Control-ka ama tayada badeecadaha ka soo dega dekeda si loo hubiyo hufnaanta adeegyada ganacsi ee dalka.
Sidoo kale, Maareeyaha ayaa tilmaamay in ganacsiga Soomaaliyeed uu maanta ka tallaabay xuduudaha dalka, isla markaana Dekedda Muqdisho ay noqotay xarun muhiim u ah isu socodka badeecadaha, iyadoo ay ka faa’iideystaan dalal deris la ah Soomaaliya, taasoo muujineysa koboca dhaqaale iyo kororka kalsoonida ganacsi ee gobolka.
“Dekedda Magaalada Muqdisho waxay gaartay horumar taariikhi ah kaddib markii shirkadda weyn ee caalamiga ah ee xamuulka badda, Mediterranean Shipping Company (MSC), ay bilowday adeeggeedii ugu horreeyay ee toos ah (direct service) oo ka yimaada magaalada Colombo ee dalka Sri Lanka, kuna soo xertay Dekedda Muqdisho” ayuu yiri Danjire Ameriko.
Tallaabadan ayuu sheegay iney Dekedda Muqdisho u furtay cutub cusub oo muhiim ah, kaasoo la xiriira hawlaha xamuulka transit-ka ah, iyada oo dekeddu markii ugu horreysay noqotay xarun dekadeed (Hub Port) oo xamuulka caalamiga ah lagu kala gudbiyo.
Mareeyaha Dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Nuur “Ameriko”, ayaa sheegay in guushan ay ka dhalatay dadaallo joogto ah oo lagu horumarinayo kaabeyaasha dekedda, korna loogu qaadayo tayada adeegyada ay bixiso. Waxa uu xusay in adeeggan cusub uu si weyn u fududeyn doono dhaqdhaqaaqa ganacsiga, isla markaana uu hoos u dhigi doono waqtiga iyo kharashaadka ku baxa gaadiidka badeecadaha.
Sidoo kale, Mareeyaha Dekedda ayaa tilmaamay in noqoshada Dekedda Muqdisho xarun transit ah ay ka dhigan tahay in xamuulka ka yimaada dalal kala duwan uu hadda si toos ah uga sii gudbi karo Muqdisho, una sii wareegi karo dalalka gobolka, taas oo xoojin doonta doorka istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya ee ganacsiga Badweynta Hindiya iyo Geeska Afrika.
Guushan ayaa loo arkaa buu yiri Maareeyuhu mid ka mid ah horumarrada ugu waaweyn ee ay Dekedda Muqdisho gaarto sanadihii u dambeeyay, waxayna muujinaysaa ayuu yiri isbeddelka ku yimid kaabeyaasha ganacsi ee dalka, iyadoo Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ugu soo laabanayso khariidadda ganacsiga caalamiga ah.
Sidoo kale Maareeye Ameriko ayaa xusay in mudadii uu xilka hayey ay Dekeda Muqdisho si rasmi ah ugu biirtay ururka caalamiga ah ee dekedaha ee International Association of Ports and Harbors (IAPH), oo ah midow caalami ah oo la aasaasay sanadkii 1959, isla markaana xaruntiisu tahay magaalada Tokyo. Ururkan ayaa ka kooban in ka badan 190 dekedood oo ku kala yaalla 89 dal oo dunida ah, kuwaas oo iska kaashanaya horumarinta iyo isku xirka dekedaha caalamka.
Ku biirista ururkan ayuu sheegay inay u fureyso Dekedda Muqdisho fursado cusub oo la xiriira iskaashi caalami ah, horumarinta tiknoolajiyada dekedaha, iyo helitaanka khibrado cusub oo laga faa’iideysan karo. Tani waxay sidoo kale sahli doontaa buu yiri is-weydaarsiga aqoonta iyo xirfadaha la xiriira maamulka dekedaha iyo kor u qaadista adeegyada la siiyo maraakiibta iyo ganacsatada isticmaasha dekedda.
Maareeyaha Dekadda Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay horumarinta Dekadda Muqdisho iyo sida ay uga mid noqon laheyd dekedaha ugu horumarsan Africa.
Maareeye Americo ayaa dardar geliyey qorsheyaasha lagu horumarinayo howlaha iyo adeegyada dekeda Muqdisho tan iyo markii uu xilkaas la wareegay dhowr bilood ka hor.
Maareeyaha oo ah Dhaqaale-yahan waxbarashadiisa heerka koowaad iyo labaad ee Jaamacadda ku soo qaatay dalka Mareykanka ayaa si si saraaxad leh uga jawaabay su’aalo la xiriiray kobaca dhaqaalaha dalka iyo sida loo horumarin karo oo ay hor dhigeen qaar ka mid ah ardayda ka qeyb galay aqoon isweydaarsiga isagoo dhinaca kale ardayda ku booriyey iney dedaalkooda waxbarasho sii xoojiyaan maadaama ay yihiin madaxdii berito si ay kaalintooda uga qaataan horumarka dalkooda iyo dadkooda.
Waxaa Sidoo kale Munaasabadaas ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Mohamed Mohamud Hassan (Biday), Guddoomiyaha Guddiga addeega Bulshada ee Aqalka Sare BFS kana mid ah Mu’asasiinta Jaamacadda Benadir Senator Prof. Dr. Osman Mohamud Dufle iyo xubno kale oo uga Mahad celiyey Maareeye Ameriko sida wanaagsan ee uu sharaxaada uga siiyey ardayda kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarinta dekedaha, isla markaana uu ugu heelan yahay wada shaqeynta iyo garab istaaga bahda waxbarashada.
Ambasador Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ayaa hore u soo noqday Safiirkii Soomaaliya ee dalka Kenya, iyadoo lagu xasuusto waxqabadkiisii sanadaha badan ee uu ka shaqeynayay Safaaradda, wuxuuna kaalin taariikhi ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal iyo garab istaaga kumanaanka Soomaalida ah ee Qaxootiga ku ahaa Kenya, isagoo sanadahan dambe ahaa samafale abuuray heyadda Yasmin Foundation oo gacanta ku heysa iskuulo ay si bilaash ah wax uga bartaan caruur iskugu jirta agoon iyo danyar, waxayna heyaddaas sidoo kale ka fulisay dalka qeybo ka mid ah mashaariic kala duwan oo khayri ah, Maareeyaha waa shaqsi degan, Naxariis badan, howlgar ah, afgaaban oo aan ku milmin siyaasadaha is diidan ee ka jiray dalka.












