Maareeyaha Dekadda Muqdisho Maxamed Cali Nuur amerika ayaa kor meer ku tagay Dekedda Tangier ee dalka Morocco.
Maareeyaha Dekadda Amerika ayaa sheegay in marti qaad uu ka helay Agaasimaha Guud ee Tangier Med Engineering, Mudane Nasser Tlassellal..
“ Aniga iyo wafdi aan hoggaaminayo ayaan booqasho shaqo ku tagnay Dekedda Tangier ee dalka Morocco, kaddib martiqaad rasmi ah oo aan ka helnay Agaasimaha Guud ee Tangier Med Engineering, Mudane Nasser Tlassellal. Intii aan halkaas ku sugneyn, waxaan booqannay dekedaha casriga ah iyo aagagga warshadaha xorta ah, annagoo wada qaadannay kulammo miro dhal ah oo diiradda lagu saaray iskaashi, tababarrada shaqaalaha dekedda, iyo sida khibradda Tangier Med looga faa’iideyn karo horumarinta Dekedda Muqdisho” ayuu yiri Qoraal uu soo dhigay Bartriisa, waxa uuna sheegay in ay wadaan shaqooyin ay ku hor marinayaan Dekada Muqdisho.
Sidoo kale Maareeyaha Dekadda Muqdisho Ambs Amerika ayaa labadii bil ee la soo dhaafay waxa uu safari ku tagay dalal ay Dekadahooda yihiin kuwa hor marsan oo waawayn, sida Dekada Jabuuti iyo UAE. Waxa uuna halkaas kula kulmay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Madaxa Fulinta ee Abu Dhabi Ports Group
Abdihakim Elmi Hassan
Nairobi Kenya

