Sida aan la socono dowladda Madaxweyne Xasan sheekh oo hogaamiyo waxay shaqo adag ay ka qabatay  musuq maasuq ka jira hay’adaha dowladda  oo ay ku keceen masuuliyiinta madaxdaka ah hay’adahaas bilooyinki u danbeeyey waxay dowaldda xirtay masuuliyiin badan iyo shaqaalo ka tirsan ayago lagu eedeeyey Musuq ay ku kaceyn.

Haddaba maxaad kala socotaan Musuq ka dhax jira Hay’adda Duulista Rayadka Soomaliyeed oo Madaxda ka yahay Maareeye Ahmed Moallim Hassan.

Advertisement

Maareeye Ahmed moallim  ayaa muddo sadax sano ah wuxu faquuq ku haayey shaqaalo gaaraya ilaa 10 qof oo ka tirsanaa hay’adda inta an lagu wareejin Fiis, shaqaalahaan ayaa sheegay in la duudsiiyey xaquuqda ay lahaayeen taas ay ku macneeyen in shaqaalaha hay’adda loo kala saaray ayagoo mushaaraadkooda la kordhiyey intabadan shaqaalaha islamarkaasne laga reebay 10 qof oo katirsan hay’adda Avation.

Sida aan la socono Ahmed moalim wuxu shaqaaleyey dad ku dhaw 45 qof oo ay qaraabo dhaw yihiin iyadoo lamarin habraac sax ah sida aan xogta ku helnay ayaa sheegeysa in shaqaalahaas la siiyo mushaar gaaraya ama u dhaxeeeya 2500 ilaa 2000 dollar waxayna ku qoranyihiin Fiis.

Masuqa kaliya maahan shaqaale la qortay ama kuwa laga tagay waxaa jira lacago ay hay’addo leedahay oo ay ka hesho meelo kale in lagu tagri falo sidoo kale waxa jira dhulal ay leedahay hay’adda oo la bixiyey sadaxdi sano ee u danbeesay waxaan la siiyey shirkado iyo shaqsiyaad gaar ah walina ma jirto isla-xisaabtan dhab ah ee lala galay Maareeye ahmed moallim.

Maareeyaha ha’adda ayaa ah shaqsi been badan oo intabdan ku dhaqma islaweyne asigoo shaqaalaha gaarka ah ee la shaqeeya aan hayno xoga sheegaya in ay si awood ku dhaheynta u maamulo daqliga hay’adda looga talagay in loo isticmaalo howlaha Xafiisyada.

Sidoo kale hay’adda waxaa lagu leeyahay dayn xoog badan oo ay ku yeesheyn shirkado dhismo anagoo ognahay soo wareejinta hay’adda in loo dhisay guryo ay dagaan shaqaalaha inkastoo xiligaas ahmed moaliim ahaa maareeye kuxigeenka wali lama bixin qarashaadki lagu lahaaa hay’adda.

Waxaana  la sheegay in isla maanta Masuuliyiinta Hay’adda muqusmaasuq baahsan ku wadaan  arintan markii hore ay ogaayeen   shaqaalaha kala duwan ee hay’adda hase ahaate waxay sii xoogeysatay musuqa ka jira gudaha hay’adda iyadoo ay maalinba maalinta ka danbaysa soo baxayaan  musuqmaasuqa baahsan oo ku kacaayo Maareeyaha

Qoraal uu soo qoray mid kamid dhibanah ayaa u dhignaa sidan :-

“Hay’adda Duulista haddii lays barbar dhigo xiligii maareeyaha ka ahaa Yusuf jaalle iyo hadda oo uu ka yahay maareeyaha Ahmed moallim wa kaaf iyo kala dheere  hantida la lunsaday iyo musuq maasuqu hadda gaaray mid xadhkaha goostay.

Maareeyaha wuxu ku shaqeeeya nin jecleysi iyo qaab qabyaladeed wuxuna sameeya wax kasta oo reerkiisa wax ugu qaban karo waxaan jiro qabiilo ka tirsan Soomaalida gaar ahaan hawiye waxay ku jooga dhowr qof hadane ma helin xaquuqda ay lahaayeen , tusaale waxa jira qiso dhacday dhawaan oo aan u soo qaadan karo  Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa u dacwooday shaqaale ka tirsan hay’adda maadama dadka ku leefalka ah ay la siiyey mushaar ka badan mushaarka la siiyo shaqaalahan.

Maareeyaha ayaa waxa u yimid xildhibaanka asigoo weydiiyey heerka shaqaale ee qofkaan lagu siin karo xaquuqda iyo dadka lamid ah mushaarka ay qaataan, Maareeyaha ayaa lagu amray in uu siiyo xaquuqda uu leeyahay shaqaalahaan uu ku matalo barlamaanka hadii ay dhici waydo in xaalada meel xun ay isla mari doonto, isla bishi xigtay Ahmed moallim wuxu kordhay mushaarki qofki shaqaalaha ahaa waxan loo dhigay mushaaka 1200 dollar.

Sikastaba ha ahaate In la musuqo shaqaalaha iyo awooda loo isticmaalo si kaduwan dowladnimada waa arin ka baxsan Maamula wanaaga dowadnimo haddaba maxaa kala gudboon hay’adaha ay qusayso ku tagrifalka maaliyadeed iyo mid dhulayd ee uu ku kacaayo Maareeyaha Hay’adda duulista Rayadka ahmed moalim waxana u dheer in shaqaalaha isku xaquuq aheyn taas oo sababi karta in xilkiisa ku waayo sida an oganahay warar hoose aya sheegay in xilkiisa dhawaan laga qaadi doono taasi ka hor wa in lala xisaabtama islamarkaasne hay’adaha cadaalada iyo hanti dhowrka ay sameeyaan faragalin buuxda sida aan oganahay dhawaan ayee aheyd xili laga dacweeye Maxkamada dowladda taasi ayaa sii qeexi karta musuqa uu ku haayo hay’adda.

Previous articleNorway oo lagu qabtay Shir looga hadlayo dagaallada ka dhanka ‘AS’.
Next articleAskar Kenyan ah oo lagu dilay weeraro qaraxyo ah oo Al-Shabaab geysteen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here