MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaliyeed ayaa goor dhaw war ka soo saaray diyaaradii maanta shilka ku gashay Magaalada Muqdisho xili ay inta ka duushay Garoonka Muqdisho cilad soo wajahday darteed dib u soo degatay.Maareeyaha Hay’adda Duulista Axmed Macalin Xasan wuxuu sheegay markii diyaaradu soo degatay inuu Baylootku xakemeyn waayay sidaas daraadeedna ayka baxday xeyndaabka garoonka diyaaradaha Muqdishio sidaasna ku gaartay ilaa xeebta.
Axmed Macalin Xasan wuxuu warbaahinta u xaqiijiyay inuusan wax khasaare ah oo soo gaaray rakaabkii soomaaliyeed ee saarnaa xili diyaaradu u socotay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
“ma jirto wax khasaare nafeed ah oo shilka diyaaraddeed ka dhashay, guud ahaan waa lasoo badbaadiyey rakaabkii saarnaa diyaarada” ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Duulista Axmed Macalin Xasan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

