Kulan casho sharaf ah oo si wayn loo soo agaasimay ayaa maareeyaha Dekada Muqdisho Amb Mohamed Ali Nuur Americo, waxa uu u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, iyo Xubno la socda oo maalhihii ma soo dhaafay booqasho ku joogay magaalada Muqdisho.
Kulankan oo ahaa mid ay ka soo qeyb galeen Xubno kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wakiillada Dawlad Goboleedka Waqooyi oo la socday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, ayaa waxa uu ahaa mid ay ku kala war qaadanayeen labada Mas’uul ee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan iyo Maareeyahan Dekada Muqdisho Amb Mohamed Ali Americo.
Amb Mohamed Ali Nuur Americo ayaa uga mahad celiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, iyo wafdigiisa sida sharafta leh oo ay uga aqbaleen Martiqaadka uu u sameeyay, waxa uuna ku tilmaamay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, shaqsi samata bixiyay Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari.
Sidoo kale Amb Mohamed Ali Nuur Americo ayaa ah shaqsi ka dhex muuqda bulshada, waxaana dhawaan Madaxweyne Xasan uu u magacaabay in uu Noqdo Mareeyaha Cusub ee Dekada Muqdish, waana shaqsi fur furan oo bulshada dhex gala. Cabdixakiin Cilmi Xasan Nairobi Kenya.
Cabdi-Xakiin CilmiXassan
Nairobi-Kenya


