Burco (dayniiile.com)-Sida ay sheegtay Idaacada BBC-da Maayarka cusub ee Magaalada Burco Maxamed Xirsi Axmed (Wacays)  ayaa shalay ku dhacay gudaha hoolkii lagu doortay xili ay socotay

Masuulkaan ayaa gadaal gadaal u dhacay xili uu kursi ku fadhiyay islamarkaana uu doonayay inuu kaco wax yar kadib khudbadii uu ka jeediyay doorashadiisa.

Advertisement

Isbitaal ayaa loola cararay waxaana la sheegay in baaritaano lagu sameeyay aan laga helin wax cudur ah  Maayar Maxamed Xirsi Axmed (Wacays) oo qurbaha ka yimid dhawaan markiisii hore.

Maayarkaan reer Somaliland oo hoygiisa ku nasanaya isbitaalka kadib ayaa diiday inuu saxaafada kala hadlo arimaha caafimaadkiisa isagoo xusay inuu mar kale hadli doono.

Dhanka kale waxaa arintan ka hadlay Suldaan Jaamac Nuux oo ah maayar ku xigeenka cusub,wuxuuna beeniyay qaabka loo dhigay dhigay caafimaadka maayarka.

Wuxuu tilmaamay Suldaan Jaamac Nuux in caafimaadka Maayarka uu fiican yahay kaliyana uu daalku ka batay madaama uu soo galay olole xooggan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Maayarka cusub ee Burco

Previous articleDoon siday Tahriibayaal oo ku quustay xeebaha Liibiya
Next articleGudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo saaka ku wajahan xaruntiisa iyo Dagaal laga cabsi qabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here