HomeCiyaarahaMac Allister Oo Magacaabay Xulalka Ugu Cad-cad Ku Guuleysiga Koobka Adduunka Ee...

Mac Allister Oo Magacaabay Xulalka Ugu Cad-cad Ku Guuleysiga Koobka Adduunka Ee 2026

XIGASHO LAACIB.NETCiyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool iyo xulka Argentina, Alexis Mac Allister, ayaa magacabay kooxaha uu u arko kuwa ugu cadcad inay ku guuleystaan Koobka Adduunka 2026.

“Spain, France, iyo Argentina waa kuwa ugu cadcad.

Waad ku dari kartaa Brazil — way soo kabanayaan, inkastoo aysan haatan joogin heerkii ugu fiicnaa, haddana waxay haystaan ciyaartoy waaweyn iyo tababare heer sare ah. Brazil waxay leedahay taariikh iyo saameyn weyn.”

Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa xusay in dhaxalka iyo waayo-aragnimada Brazil ay ka dhigayaan musharax adag, xitaa haddii qaab ciyaareedkooda hadda aanu ahayn mid qumman.

Wuxuuna carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku darka ciyaartoy tayo leh iyo tababare wanaagsan marka loo qiimeeyo kuwa ugu cadcad Koobka Adduunka.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -