Qorshaha Madaxweyne Xasan Shiikh uu ku hawlgelinayo Macawisleyda loogana guurayo qorshihii Amniga Qaranka iyo nidaamkii Dowladnimo…

Waa sida tan??

Beelaha Hawiye ee iska xoreynaya Alshabaab iyaga oo kaashanaya Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya iyo kuwa aan weli dhaqdhaqaaqoodu muuqan.

1. HABARGIDIR iyo Adeerkood DUDUBLE: Deegaanada laga haysto waxay u istaageen xoreynta deegaankooda inta laga haysto iyaga oo kaashanaya Ciidamadda XDS. Mardhowna waxay xoreynayaan Alle idinkiis Xarardheere ilaa Ceelbuur.

2. XAWAADLE: iyaga oo kaashanaya Ciidamadda XDS deegaanadiisa inta badan waa xoreysteen inta dhimanna way xoreynayaan Alle idinkiis.

3. MUDULOOD: Deegaankiisa in badan waa la haystaa, jufooyinka dhulkooda la haysto waa kuwaan soo socda.

HARTI-ABGAAL.
AGOONYAR waxaa laga haystaa Ceelbaraf, Ceeldheer-buraale, Miirtaqwo, Biyacade iyo meel kale.

WARSENGELI Abgaal waxaa laga heystaa Guulane, Masaajid caligaduud, Wargaadi iyo meele kale.

CIISE RATI & OWBAKAR waxaa laga haystaa Aadan yabaal, Alkawthar, Ceel Cali Axmed iyo meelo kale.

WACBUUDHAN ABGAAL.

DAAUUD waxaa laga haystaa Ruunirgood, Ceelbacad, Cadaan-laxeey, Hiloowle-gaab iyo meel kale.

GALMAAX: dhulkiisa inta badan waa xor, Cabdulle Galmaax ayaa laga haystaa tuulada Maxaad-saciid kaliya.

WACAYSLE ABGAAL.

CALIGAAF waxaa laga haystaa Galcad, Budbud, Masagawaay, Ceelhareeri, Gal-libaax iyo meel kale.

WACAYSLAHA kale waxaa laga haystaa Degmada Ceeldheer ilaa Xarardheere, Coosweyne, Cali-yabaal iyo Durdur.

deegaano kale.

GUGUNDHABE & JAJEELE.

Deegaanadooda inta badan waa la haystaa marka laga reebo JAJEELE oo isagu Alshabaab deegaanadiisa gaarka ah marhore ka horeystay.

SHEEKHAAL: Deegaanadoodu qaarna waa xor qaar badanna Alshabaab ayaa haysta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here