Dadweyne badan ayaa saaka salaada Janaasada waxay ku tukadeen meydka Macalin C/raxmaan Maclow oo asbuuc ka hor lagu dhex dilay iskuulka Siidii oo uu macalin ka ahaa.

Dadka badan ee isku yimid waxay isugu jireen ehalada iyo asxaabta  kuwaasoo salaadii Janaasada kadib Macalinka ku hubsaday gurigiisa runta ahaa.

Advertisement

Qaar ka mida ehalada Macalinka Alllaha u naxariistee  ayaa mar kale qabriga kor kiisa waxay ku dalbadeen in la soo qabto gacan ku dhiiglaha oo baxaad  islamarkaana xaqiisa la marsiiyo.

Dhanka kale qoyska Maydka  ayaa tanaasulay fikir ay hore u shaaciyeen oo ahaa inaan la aaseen ilaa laga qabto eedeysanaha, balse saacadihii ugu danbeeyay ayay go’aankaan qaateen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleXuska maalinta Ciidamada Asluubta oo saaka ku began iyo Saraakiil ka hadashay
Next articleCudur lagu kala qaadayo taabashada oo ka dilaacay Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here