Macalin Dugsi oo Laba Gabdhood Yar yar ah ku Kufsaday Degmada Karaan ee Magaalada Muqdisho

0

Sida ay sheegayaan wararka ka imanayo Degmada Karaan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Macalin Dugsi oo lagu magacaabo Macalin Xasan uu sameeyey fal Argagax leh kaa oo ka yaabiyey shacabka ku Nool Degmada Karaan

Macalin Dugsiga oo dadiisa lagu qiyaasay 40 Jir ayaa u galmooday Gabar yar oo 5 Jir ah ka dib markii uu ku reebtay Dugsiga

Gabarta yar ayaa markii la sii daayey Gurigeeda tagtay iyadoo ooynesa uuna haayo xanuun sidaana gabartii lagu weydiiyey Su aalo

Reerka Gabarta dhalay ayaa ka war helay in la Kufsaday inanta yar ee 5 Jirka ah uuna Kufsaday macalinka Dugsiga sidaana ku soo aaday Dugsiga halkaana ku qirtay Macalinka in uu u Geestay Kufsi

Reer Gabarta dhalay ayaa ugu yeeray laamaha Amniga Macalinka Dugsiga ee kufsaday 5 Jirta sidaana lagu ka xeeyey macalinka lana geeyey Saldhiga Boliiska Kaaraan

Baaritaan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in Gabar kale oo 7 Jir ah ay jirto in uu kufsaday macalinka Dugsiga taa oo markii la weydiiyey sheegtay in macalinka u hanjabay haday sheegto

Baaritaan la sameeyey dhanka Cafimaadka Gabdha yar yar ayaa lagu ogaaday in uu jira dhaawac ay ka qabaan xubnaha Taranka Labada Gabar

Dhacdooyinka Kufsiga Hablaha Yar yar ayaa ku soo badanaayo Dalka Soomaaliya taa oo u baahan in laga soo saaro sharci adag

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here