MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sanadkaan siduu u dhashayba waxaa Muqdisho ku soo batay dilal arxan daran oo ay isu geysanayaan laba isu dhaxday,laba is dhashay iyo ardey iyo macalinkiisa oo maanta duhurkii u danbeysay.

Iskuulka Siidii oo ku yaal Degmada Wada-jir Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu dhex dilay Allha u naxariistee Macalin C/rmraxmaan Maclow oo Barre ka ahaa iskuulkaani.

Advertisement

Macalinka waxaa tooreey ku dilay wiil hore iskuulka uga aflaxay oo lagu magacaabo Xasan Ok hadana ku shaqeysta mooto bajaaj.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta dilka keentay sida in macalinku eryay gabar la dhalatay gacan ku dhiiglaha sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in macalinku gabadha canaantay kadibna u direy waalidkeed inay keento .

Maamulaha iskuulka ayaa sheegay in gabar ardeyda ka mida ay iskuulka usoo waday hooyadeed iyo walaalkeed oo hore iskuulka uga aflaxay iyadoo dacwa ah.

“Markaan qaabilay waxay hooyda dhashay gabadha ii sheegtay in macalin Craxmaan uu buug madaxa uga dhuftay gabadheeda markaas ayaan ku iri ma waxaa jira wax dhibaato ah oo madaxa ka gaaray gabadha sida barar,waxay igu tiri maya laakiin gabadhena in la canaanto xitaa ma rabno kadibna macalinka oo agteyda fadhiyay ayaa waxaa haraati ku dhuftay wiilkii kadib markuu soo istaag maagayna toorey ayuu naaska kaga dhuftay kadibna laba jeer kale ayuu toorey ku dhuftay kadibna wuu cararay” ayuu yiri Maamulaha oo wareysi siiyay Universal Tv.

Gabar iskuul laga eryay ma noqon karto sabab dil keeni karta hadana waxaa muuqaneysa in wax badan qarsan yihiin balse ay macquul tahay in warar dheeraad ah soo baxaan.

Gacan ku dhiiglaha dilay macalinka waxaaa la sheegay inuu ku baxsaday bajaaj uu awalba watay.

Dhanka kale xalay waxaa nawaaxiga haanta dheer ee  Degmada Dayniile lagu dilay askari milatari oo Dowlada ka tirsan kaasoo ay dileen askar kale oo bajaaj wadatay taasoo dilka kadibna ay ku baxsadeen.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleTaliska Milatariga oo sheegay inay dib ugu laabanayaan Caad iyo Shabeeloow
Next articleHay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada oo shir ku qabayay Kismaayo+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here