MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa goor dhaw Degmada C/casiis ku soo bandhigay hub uu sheegay inay kala wareegeen Shariif Sheekh Axmed oo ah Madaxweyne hore kaasoo dhawan Ciidamada Dowlada kala hor yimid dagaal.
Hubka waxa lagu soo bandhigay guriga uu Shariif ka deganaa Xeebta Liido kaasoo dhawaan uu ka soo guuray,Macalin Mahdi ayaa ugu hanjabay Khayre iyo Shariif lala xisaabtami doono.
Macalin Mahdi mar uu sharaxayay tirada hubka ay ka soo qabteen Xaafadaha Degmada C/casiis gaar ahaan Mariinada iyo Liido wuxuu ku sheegay Lix Dhashiike ,17 Qorey nuuca loo yaqaan PKM ama daba-miishaar,14 gaari, B10 ,shaamshuutar ,Sabano ilaa 5 gaaraya,rasaas iyo qoryaha AK47 oo badan sida uu warka u dhigay.
“Idinkoo jeebaysan ayaa garsoorka la idin gayn doonaa” ayuu yiri Macalin Mahdi
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
