HomeWarkiiMacalin Somali-Kenyan ah oo lagu afduubtay Laas-caanood oo xaaladiisa laga deyrinayo

Macalin Somali-Kenyan ah oo lagu afduubtay Laas-caanood oo xaaladiisa laga deyrinayo

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Xukuumada Faderaalka Soomaaliya Cali Ifiye Cali ayaa
sheegay in Macalin ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Beri-Kenya lagu afduubtay magaalada Laascaanood ee Xarunta Maamulka Waqooyi-bari Somalia.
Wasiirka wuxuu sheegay in kooxo hubeysan ay gudaha Laas-caanood ku heystaan macalin Xasan Cismaan oo u yimid inuu caruurta wax baro balse kooxo hubeysan uu u gacan galay.
“Waxaan codsaneynaa in si degdeg ah loo sii daayo macallinka sida sharci darrada ah looga haysto magaalada Laascaanood, Xorriyadda qofka waa xuquuq dastuuri ah oo aan lagu xadgudbi karin, Macallin Xasan Cismaan Muxummad waxa uu gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya kaga yimid inuu bulshada reer Laascaanood waxbaro una adeego” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga.
Wasiirka wuxuu intaasi ku daray in macalinka xaalad adag laga soo sheegayo sida inuu xanuunsanayo islamarkaana loo diiday cuntada,madaxda maamulka ayuu ka dalbaday inay wax ka qabtaan xaalada macalinkaasi ku sugan yahay.
“Waxaa la ii sheegay in macalin Xasan Cismaan loo diiday cuntada isla markaana uu aad u xanuunsanayo, waxaan ka codsanaya dhammaan hay’adaha amniga, maamulka deegaanka iyo cid kasta oo ay khuseyso in arintaan ku baxaan oo macallinka xoriyadiisa la siiyo” ayuu mar kale yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga sida uu bartiisa facebook ku soo qoray.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person, beard and smiling

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -