KISMAAYO (DAYNIILE.COM)- Waxaa maanta Magaalada Kismayo gaaray Macallinka xulka Qaranka K/cagta ee 17-jirada Somalia Daadir Amiin Cali kaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladaasi.Xiriirka Kubada Cagta Maamulka Jubaland iyo ciyaartoy badan ayaa garoonka diyaaradaha kaga hor tagay Macalinka xulka Qaranka xili ay halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.
Tababare Daadir Amiin Cali waxaa la sheegay ujeedkiisu inuu yahay sidii uu dhalinyarada kubada cagta ee Kismaayo uga soo dhex xulan lahaa ciyaartoy u qalanta xulka 17-jirada Somalia ka hor inta uusan tababarka bilaabin.
Daadir Amiin Cali wuxuu sidoo kale booqan doona Maamulada kale sida Koofur-galbeed iyo Puntland waana markii ugu horeysay oo macalin xulka qaranka kubada cagta Somalia k socda uu ciyaartoy ka raadsado maamul goboleedyada dalka laakiin way jirtay in ciyaartoy ka timaada gobolada lagu daray xulka.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM



















